spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Qarax sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Magaalada .

Qarax sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Magaalada .

0
26

Axad , 24 Aug 2025 {HMC}  Hal qof oo rayid ah ayaa dhintay halka ay dhaawacmeen askar katirsan ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya kaddib markii Qarax uu ku haleelay Xaafadda Suuqa Xoolaha Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray ciidamo katirsan Kuwa ammaanka Dowladda Federaalka oo billaabay baaris la xiriirta qaraxaas sida uu u dhacay iyo raadinta dadka ay ku tuhmayaan in ay ka dambeeyeen.

Waxaa muddo kooban xirmay isu socodka waddada isku xirta Isgoyska SOS iyo Suuqa Xoolaha inkasta oo daqiiqado kaddib dib loo furay waddadaas, waxaana goobaha Caafimaadka loo qaaday Askartii dhaawaca soo gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here