spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Diyaarado oo duqeymo ka fuliyay Buuraha Calimiskaad.

Diyaarado oo duqeymo ka fuliyay Buuraha Calimiskaad.

0
17

Axad , 24 Aug 2025 {HMC}Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeymo ka fuliyeen saldhigyo ay Maleeshiyaadka Daacish ay ku leeyihiin Buuraha Calimiskaad ee Gobolkaasi.

Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ayaa xalay duqaymo culus ka fuliyey togga Baallade, gaar ahaan nawaaxiga Ceelka Maraagade, oo ay ku go’doonsan yihiin firxad ka tirsan mileedhiyaadka Daacish.

Duqaymahaan oo ka dhacay aagga Maraagade, ayaa lala beegsaday godad ay ku dhuumaalaysanayaan firxadka Daacish, oo la rumaysan yahay inay ku jiraan saraakiil sarsare oo Soomaali ah.

Saacadihii ugu dambeeyay ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa hawlgal culus ka fuliyey laba jiho oo dhaca togga Baallade, uuna kamid yahay ceelka Maraagade, halkaas oo lagu diley xubno katirsan kooxda Daacish.

Ma cadda Khasaaraha ka dhashay duqeynta.

Saraakiil katirsan ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in firxadka Daacish ee ku go’doonsan Cal-miskaad aysan ka badnayn 100 dagaalame oo dhuumaalaysi ugu jira godad iyo deegaamo aad u durugsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here