Talaado, 26 Aug 2025 {HMC} Waxaa taagan cabsi laga qabo in uu dib u qarxo dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa Ismaamulka Tigray kaas oo markale ka dhici kara Waqooyiga Dalkaas, sababta sidaas oo dhan looga cabsanayo waa in ay ku lug yeelan karto Eretareeya.
Dadka sida dhow u oddorasa Siyaasadda Itoobiya ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay socdeen dhaqdhaqaaq ka imaanaya dhinaca Eretareeya si ay uga hortagto abaabulka ka dhanka ah oo ay ku howlan tahay Xukuumadda Abiy Ahmed.
Abel Abate Demissie oo katirsan falanqeeyaasha sida dhow ula socda Qaaradda Afrika ayaa sheegay in dagaalka xiligaan uu ka adkaan karo kii dhacay Nofeembar sanadkii 2020 ee galaaftay nolosha dad ka badan 600 oo kun oo ruux.
Sidoo kale dagaalkaas waxaa ku barakacay in ka badan 5 Milyan oo ruux, waxaa intaas dheer in dagaalladii dhacay ay saamayn taban ku reebeen xasiloonida guud ee Itoobiya iyo Geeska Afrika maadaama ay barakaceen dadkaas badan.
Wufuud kala duwan una badan Bulshada Rayidka ah ayaa gaaray Magaalada Mekelle xarunta Tigray, waxa ay la kulmeen hoggaanka sare Ismaamulkaas si looga hortago colaad cusub loogana fogaado wax weliba oo nabadda dhaawacaya.
Madaxweynaha Eretareeya Isiais Afwerki ayaa dhowaan Wareysi uu bixiyay ku sheegay in damaca Xukuumadda Abiy Ahmed uu yahay sidii dalkiisa ay u qabsan lahayd balse ay ka hortagayaan gulufkaas uu la damacsan yahay sida uu hadalka u dhigay.



