Ciidanka Masar ee qaybta ka noqonaya Howlgalka AUSSOM

0
27

Talaado, 26 Aug 2025 {HMC} Waxaa tababar loosoo xiray ciidamo kamid ah kuwa Dalka Masar ee qaybta ka noqonaya Howlgalka Midowga Afrika Soomaaliya ee AUSSOM, ciidankaan ayaa dhowaan si rasmi ah ugu biiraya howlgalkaan iyada oo la geynayo goobta loo asteeyay.

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa rajo ka muujisay in ciidankaan cusub ay wax kusoo kordhiyaan howlgalka AUSSOM, waxa ay intaas kusii dartay Wasaaraddu in ay rajeyneyso in aqoontooda kusii biirayaan howlgalkaan.

Masar ayaa ciidankeeda kusoo biiraya howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ka socda tan iyo sanadkii 2007dii, waxa ay buuxinayaan booska ay banneenayaan ciidanka ka socda Burundi oo ah dalkii labaad ee Soomaaliya u diray kumaan askari oo nabad ilaalin ah.

Soomaaliya ayaa kulmineysa Ciidamada Masar iyo Itoobiya oo Dowladahooda xurguf siyaasadeed ka dhaxeyso taas oo ka dhalatay isticmaalka Biyaha Nile, waxa ay kuwada jiraan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here