R/wasaare Xamsa oo khubad ka jeedinaya shir ka Shiinaha.

0
26

Talaado, 26 Aug 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya,Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray dalka Shiinaha, si uu uga qeyb galo Shirka 7aad ee China–Arab States Expo, oo ka furmaya magaalada Yinchuan.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga ganacsiga, maalgashiga, tiknoolajiyadda iyo tamarta, iyadoo la filayo in uu noqdo madal muhiim ah oo lagu horumariyo xiriirka dhaqaale ee Shiinaha iyo dalalka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa lagu wadaa in uu madasha ka jeediyo khudbad uu ku soo bandhigayo fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, isaga oo ka hadli doona sida loo kobcin karo xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya la leedahay Shiinaha iyo dalalka Carabta.

Waxaa la filayaa in khudbadda Ra’iisul Wasaaraha ay xoogga saari doonto kheyraadka dabiiciga ah, dekedaha, beeraha, iyo tamarta oo Soomaaliya ka jirta, si loo soo jiito maalgashi caalami ah oo bulshada Soomaaliyeed ka faa’iideysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here