Ardayda Kuuriyada Koofureed oo laga mamnuucay in ay teleefannadooda la galaan Fasalka?

0
16

Arbaco 27 , Aug 2025 {HMC}Kuuriyada Koofureed ayaa Ardayda ka mamnuucday in teleefannooda la dhex tagaan Fasalladooda inta lagu jiro saacadaha Waxbarashada guud ahaan Dalkaas si Carruurta iyo Dhallinyarada aanay uga mashquulin Waxbarashadooda.

Sharcigaan ama xeerkaan ayaa dhaqangalaya marka la gaaro Maarso sanadka soo socda 2026, Ardayda waxa ay inta badan si caadi ah u qaadan jireen teleefannada gacanta si gaar ah kuwa caaqilka ah ee casriga ah.

Khubarro Waxbarsho, Waalidiin iyo Macallimiin ayaa isku raacay in tani ay fududeyn doonto in Ardaygu dareenkiisa siiyo Daraasadda socota halka uu markii hore ku mashquuli jiray Isticmaalka Teleefankiisa Caaqilka ah.

Dalal badan oo caalamka ah ayaa horay u qaaday tallaabooyin ay ku xannibayaan teleefannada lala dhexgalo Fasalka waxaana waddamadaas kamid ah Finland iyo France, sababta go’aankaan ayay ku sheegeen in Ardaygu ku mashquulayo Baraha Bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here