Khamiis 28 Aug 2025 {HMC} Dowladaha Soomaaliya iyo Kazakhstan ayaa ku dhawaaqay in ay si rasmi ah u yeesheen Xiriir diblumaasiyadeed, sida lagu sheegay bayaan ay wadajir u soo saareen.
Kulan ka dhacay Magaalada Newyork ee dalka Mareykanka ayaa waxaa billaabashada xiriirka cusub wada saxiixay Safiirka Kazakhstan u fadhiya Qaramada Midoobay, Kairat Umarov, iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abukar Dahir Osman.
Safiirada Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya iyo Kazakhstan oo faahfaahin ka bixiyay iskaashiga ayaa sheegay inuu la xiriro siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.
Sidoo kale, labada dal ayaa hore u laheyn xiriir diblumaasiyadeed oo rasmi ah, marka laga tago iskaashi xilliyada qaar ay ka sameyn jireen arrimaha taagan.
Soomaaliya iyo Kazakhstan ayaa la filayaa in ay kala furtaan xarruumaha Safaaradaha ee labada dal, si loo sii xoojiyo iskaashigooda.



