Khamiis 28 Aug 2025 {HMC} FBI-da Maraykanka oo ayaa baadhaysa toogasho ka dhacday iskuul ku yaalla Minneapolis oo ay ku dhinteen 2 caruur ah, 17 kalena ay ku dhaawacmeen. Waa dhacdo lagu tilmaamay dambi nacayb ka dhan ah Catholic-ga, sida ay sheegtay FBI-du.
“FBI-du waxay u baadhaysaa toogashadan oo ah fal argagixisanimo gudaha ah iyo dembi nacayb oo ka dhan ah Catholic-ga,” ayaa uu yidhi Agaasimaha FBI-da Kash Patel oo qoraal uu soo dhigay barta X.
Labada carruurta ah ee dhintay ayaa da’doodu kala ahayd 8 iyo 10 jir, waxaanay geeriyoodeen markii uu ninka weerarka soo qaaday uu rasaas kaga furay daaqadaha Kaniisad ku taalla magaaladaasi, Subaxnimadii Arbacada xilli ay carruurtu dabaaldegyo samaynayeen.
Ninka weerarka geystay oo ku dhintay isla goobta ayaa sheegaya in uu is dilay, ayaa mar dambe booliisku waxay magaciisa ku sheegeen Robin Westman oo 23 jir ah.
Baadari Leo XIV, oo ah baadarigii ugu horeeyay ee Maraykan ah ayaa ka mid ahaa dadka tacsida u diray eheellada dadkii dhacdadaasi ku waxyeeloobay, isagoo sheegay in uu aad uga xun yahay weerarka dhacay.
Taliyaha Bilayska oo la yidhaahdo, Brian O’Hara oo isna la hadlay warfidiyeenka ayaa yidhi: “Tani waxay ahayd fal ula kac ah oo lagula kacay carruur aan waxba galabsan iyo dadka kale ee cibaadaysanaya.”
“Arxan-darrada iyo rasaasta fulaynimada ah ee lagu riday kaniisad ay caruur ka buuxaan waa wax aan la fahmi karin,” ayuu yidhi.
Mar wax laga weyddiiyey hadalka Patel, waxa uu sheegay in Waaxda Bilayska Minneapolis ay hormuud ka tahay baadhitaanka iyagoo taageero ka helaya hay’adaha federaalka – ayna ka daba tagi doonaan caddeymaha meel kasta oo ay la gasho.
Maamulka ayaan weli soo saarin sababta rasmiga ee loo malaynaayo in uu weerarka ay ku riixday ninkaasi.
Booliisku ayaa la sheegay in ay heleen wicitaanno toogasho wax yar ka hor 08:00-dii suabaxnimo, wakhtiga maxaliga ah, maalintii Arbacada.
Ninka weerarka geystay ayaa ku soo dhawaaday dhanka kaniisadda oo uu ku dhex yaallo iskuul sidoo kale waxa uu tobannaan xabadood ka riday daaqadaha isaga oo adeegsanaya laba qori iyo Bastoolad. Booliska ayaa sidoo kale goobta ka helay bam qiiq ah.
Saraakiisha ayaa baadhaya in ay rasaastu ay ka dhacday gudaha kaniisadda iyo in ay ahayd mid bannaanka dhismaha ka soo dhacaysay, iyagoo xusay in aan wax rasaas ah laga helin gudaha.
“Waxaan maqlayay dhawaqa rasaasta” PJ Mudd, oo ku nool meel u dhow kaniisadda subaxnimadii Arbacada, ayaa u sheegay Wall Street Journal. “Waxa markiiba igu soo dhacay in waxa socdaa ay toogasho ahayd.”
Waxa uu sheegay in uu u orday dhinaca kaniisadda oo uu ku arkay saddex qasnadaha rasaasta ah oo ah oo dhulka yaalla.
#ISHA-BBC SOOMAALI



