Maxaa lagu aqoonsadaa hoggaamiyaha dhabta ah iyo midka fashilka qarka u saaran ?

0
37

idee looga mira dhaliyaa hamiga siyaasadeed?
Maxaa lagu aqoonsadaa hoggaamiyaha dhabta ah iyo midka fashilka qarka u saaran?
Ma jirtaa waddo lagu doorto cidda aad kala shaqeynayso siyaasadda?
Qof kasta oo siyaasadda jecel mar walba wuxuu ku riyoodaa in uu maalin uun noqdo hoggaamiye sumcad leh, magaciisuna ku sii noolaado taariikhda. Laakiin riyadu kaliya hoggaamiye kama dhigayso qof. Siyaasaddu waa waddo dheer oo qodxo badan leh,waxaa ku guuleysta qofka u diyaarsan inuu ku socdo dulqaad, xeelad iyo ficil joogto ah. Waxaa jira siyaasiyiin badan oo fursad helay, balse magacooda ku waayay degdeg iyo qorshe la’aan, halka kuwo kale oo ka soo bilaabay heer hoose ay noqdeen hoggaamiyeyaal aan la dafiri karin.
Qofka aan lahayn xiriirro siyaasadeed, magac qoys ama aan heleyn maalgelin, haddana siyaasadda jecel, waxuu ku socon karaa hal jid oo keliya, inuu ku bilaabo eber, balse uu noqdo mid ku socda qorshe cad. Waa inuu fahmaa in hoggaamintu aysan ku iman rabitaan degdeg ah ee ay tahay geeddi-socod muddo dheer qaata. Dulqaad iyo xeelad ayaa ah hubka ugu weyn.
Taariikhdu waxay diiwaangelisay in hoggaamiyeyaasha sida Putin iyo Xi Jinping aysan kursiga si degdeg ah u gaarin. Putin wuxuu ahaa askari KGB ah, oo aan magac ku lahayn siyaasadda Ruushka. Laakiin waxa uu si tartiib ah u dhistay sumcad iyo xiriirro, wuxuuna sugay waqti ku habboon. Markii uu fursad helay, wuxuu noqday hoggaamiye adag oo awooddiisa ku ilaashaday xeelad iyo qorshe cad. Xi Jinping-na wuxuu ku soo koray cadaadis siyaasadeed oo qoyskiisu ay wajaheen, isaga laftigiisu wuxuu ka fogaaday magaalooyinka oo miyiga ayuu ka noqday beeralay . Laakiin wuxuu bartay inuu hamigiisa qarsado, dulqaad yeesho, una oggolaado waqtigu inuu sumcaddiisa dhiso. Markii uu soo baxay, wuxuu noqday hoggaamiye Shiinaha ka dhigay awoodda u sarreysa ee la tartanta Mareykanka.
Dhanka kale, waxaa jira siyaasiyiin fursad helay balse si degdeg ah u dhacay. Waxaa tusaale cad u ah Liz Truss oo noqotay ra’iisul wasaaraha Ingiriiska, iyadoo loo arkayay qof ku hoggaamin karta boqortooyadda midowday isbeddel. Laakiin waqti aad u kooban gudaheed, waxay lumisay kalsoonidii dadweynaha iyo xisbigeeda, sababtoo ah ma lahayn qorshe qoto dheer oo dhaqaale iyo siyaasadeed. Waxay ahayd hoggaamiye hadal badan oo buuq badan la timid, balse ficil iyo dulqaad la’aan ay soo gabagabeeyeen cimrigeeda siyaasadda.
Hoggaamiyaha fashilka ah waxaa lagu gartaa saddex calaamadood;
.Inuu ku tiirsan yahay hadal badan oo aan ficil lahayn.
.Inuu go’aanno degdeg ah uu qaato , isagoo aan heysan qorshe dheer.
.Inuu bulshada ku abuuro kalsooni darro iyo jahawareer halkii uu ka abuuri lahaa xasilooni.
Bulsho burbur ku jirta, haddii ay hesho hoggaamiye noocan ah, waxaa hubaal ah in burburkaasi kasii darayo.
Hoggaamiyaha istaraatijiga ah iyo waxa lagu garto
Hoggaamiyaha dhab ah waa midka aan hadal badan ku dhisin sumcaddiisa, balse ficil iyo istaraatijiyad cad ku kasbada kalsoonida bulshada. Waxaa lagu gartaa in go’aamadiisu yihiin kuwo qoto dheer, qorsheyaashiisu yihiin kuwo muddo dheer ku dhisan, dadka uu hoggaaminayo se ay ka helaan xasilooni iyo rajo. Hoggaamiyaha noocan ah wuxuu si tartiib ah uga dhismaa bulshada dhexdeeda ilaa uu noqdo muraayad laga eego mustaqbal.
Tusaale , waxaa inoogu filan Nelson Mandela, inkasta oo uu muddo dheer ku jiray xabsi, wuxuu dadka tusay dulqaad iyo halgan. Markii uu hoggaaminta qabtay, wuxuu noqday hoggaamiye dadka mideeya, wuxuuna magaca Koonfur Afrika ku dhigay mid dunida laga qadariyo. Isaga oo aan ku tiirsanayn qaylo iyo hadal, wuxuu ficil iyo istaraatijiyad cad ku gaarsiiyay dalkiisa jid cusub.
Farqiga ugu weyn ee hoggaamiye guuleysta iyo hoggaamiye fashilma waa qorshaha. Siyaasiga fashilma waa mid degdeg u raba inuu magac yeesho, balse qorshe la’aan ku socda.
Hoggaamiyaha guuleysta waa mid dulqaad leh, qorshe cad leh, isla markaana bulshada ku kasbada ficil joogto ah.
Qof kasta oo doonaya inuu maanta ku biiro olole siyaasadeed, xisbi ama uu ka mid noqdo siyaasiyiinta mustaqbalka, waa inuu ogaadaa hal arrin,bulshada waxay u baahan tahay hoggaamiye ficil iyo istaraatijiyad leh, balse uma baahna siyaasi hadal badan oo degdeg ku libdha. Waxa looga baahan yahay inuu barto dulqaad, qorshe dheer sameeyo, bulshada dhexdeeda sumcad ka dhiso, kuna dadaalo in go’aamadiisu noqdaan kuwo waxtar u leh dadka, xitaa haddii waqti dheer qaadato.
Haddii uu qaato jidka adag ee hoggaaminta, wuxuu noqon karaa hoggaamiye sumcad iyo magac ku reeba jiilal badan, sida Mandela oo dulqaad ku dhisay midnimo, ama hoggaamiyeyaasha sida Putin iyo Xi oo xeelad iyo istaraatijiyad ku gaaray halka ugu sarreysa. Laakiin haddii uu qaato jidka degdegga ah ee qorshe la’aanta, wuxuu ku dambayn doonaa sidii hoggaamiyeyaasha magacooda lagu xusuusto fashil iyo guuldarro.
Hoggaamiyaha dhabta ahi waa kan bulshada tusaya mustaqbal, isbeddelna ku hogaamiya ficil iyo qorshe cad. Taasi waa jidka keliya ee qof eber ka soo billaabay uu ku gaari karo heer hoggaamineed oo aan dhicin.
Sidee qof ku dooran karaa ololaha siyaasadeed ama xisbiga u uku biirayo?
Marka la dooranayo cidda aad la shaqaynayso, waa muhiim in hoggaanka xisbiga ama ololaha uu leeyahay sumcad iyo qorshe cad. Hoggaamiyayaasha aan lahayn istaraatijiyad, sida Liz Truss oo muddo gaaban kursiga ku fashilantay, waxay tusinayaan in taageerada ku biirista hoggaan fashilmay ay qofka cusubna ku jiidi karto khasaaro.
Cilmiga siyaasadda wuxuu leeyahay, hal ku dhig ah :“Hoggaamiye waxaa lagu qiimeeyaa kooxda ku hareersan.” Qofka ku biiraya olole waa inuu eego cidda ku hareeraysan – haddii ay yihiin dad aqoon, daacadnimo iyo khibrad leh, waxaa jira rajo. Haddii ay yihiin dad ku mashquulsan dano shakhsi ah oo degdeg ah, waxaa hubaal ah in kooxdan aysan lahayn mustaqbal fog.
Qofka cusub waa inuu hubiyaa in ololaha ama xisbiga uu leeyahay awood iyo rabitaan uu ku beddelo bulshada, isla markaana uu yahay meel uu isaga ku horumarin karo sumcaddiisa. Taariikhdu xaqiijinaysa in siyaasi kasta oo guuleysta uu ku biiray koox siinaysa fursad uu ku kobciyo kartidiisa, halkii uu ku biiri lahaa koox isaga dib u celisa.
Marka qof Soomaali ah uu maanta ku fikirayo inuu ku biiro olole ama xisbi siyaasadeed, waa inuu xaqiijiyaa shan arrimood;
Mabda’ cad, nidaam hufan, hoggaan lagu kalsoonaan karo, koox tayo leh, iyo awood isbeddel. Haddii shantan wax laga hubiyo, wuxuu helayaa meel uu ku dhiso sumcad iyo hoggaamiyenimo mustaqbal fog. Laakiin haddii uu ku biiro olole aan lahayn mabda’ iyo nidaam, wuxuu ku dambaynayaa fashil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here