Sabti 30, Aug 2025 {HMC} Ciidanka Booliiska Soomaaliland ayaa sheegay in lala xisaabtami doono qof kasta oo lagu qabto isaga oo waxyeeleynaya muwaadin Itoobiyaan ah, kadib markii koox dhallinyaro ahi ay weerareen dhalinyaro Itoobiyaan ah.
Inkastoo aanay waxyeello weyn soo gaadhin dhalinyarada Itoobiyaanka ah ee la weeraray, haddana dhacdadani waxay ku soo beegmaysaa xilli ay maalmihii u dambeeyay magaalada Hargeysa soo galeen dad Itoobiyaan ah oo aad u badan, kuwaas oo qaarkood warbaahinta ka sheegay in ay magaalada Hargeysa iyagu leeyihiin isla markaana ay kala wareegi doonaan dadka deggan.
Afhayeen u hadlay Booliiska Somaliland ayaa ka digay dhacdadan, isaga oo sheegay in walaaltinimo ay ka dhaxayso dadka reer Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana dad kasoo kala jeeda labada dhinac ay si sharci ah ugu nool yihiin labada dhinac.
Waxa uu intaas ku daray in dadka sharci-darrada ku jooga Somaliland ay arrintoodu u taallo hay’adaha dowladda ee ay khusayso, isla markaana aan la aqbali karin in qof shacab ahi gacanta ku qaato sharciga oo uu waxyeeleeyo qof Itoobiyaan ah.
Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa sheegay in tallaabada dhallinyaradu qaadeen ay tahay mid aan Somaliland lagu aqoon isla markaana sharci-baalmarsan. Agaasimaha Horn Diplomat, Maxamed Ducaale, ayaa sheegay in kooxdan dhallinyarada ah meel kale laga soo abaabulay si loo waxyeeleeyo xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya.
Deegaanada Soomaaliland ayaa kamid ah meelaha ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee Itoobiyaanka ah, waxaana la sheegay in sababtu tahay amniga ay ka heleen. Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan ku wargelisay dadka Itoobiyaanka ah ee aan sharciga haysan in ay tagaan xarumaha sharciga lagu bixiyo si ay u helaan rukhsad ay Somaliland ku joogaan.






