Faah faahino Dheeraad ah oo kasoo Baxayo iska hor imaad kooban oo ka dhacay Magaalada Baladweyne.

0
34

Arbaco 3,Sep 2025 {HMC} Faah faahino Dheeraad ah oo kasoo Baxayo iska hor imaad kooban oo ka dhacay Xaafada Buundo weeyn ee Magaalada Baladweyne

iska hor imaadka ayaa udhaxeeyey Dableey Hubeeysan oo ku sugnaa Xaafada Buundo weeyn iyo Ciidamada Booliska Waxaana ka dhashay Khasaaro kala Duwan, inta la xaqiijiyey waxaa iska hor imaadkan ku dhaawacmay Dhaqane Cabdullaahi Wehliye oo loo yaqaano Xiirane oo ah Macalin Tababare oo ka tirsan Ciidanka Boliiska soomaaliya

Si dhab ah looma oga sababta ka dambeeysay iska imaadka Ciidamada Amaanka iyo Maleeshiyada Hubeeysan ee dagan Xaafada Buunda-weyn.

illaa haatan majirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga magaalada Baladweyne oo ay kaga hadlayaan iska hor imaadka maanta ka dhacay Xaafada Buuno weeyn ee Magaalada Baladweyne.

Wixii faah faahin ah kala Soco Hiiraanweyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here