Jimco 5 Sep 2025 {HMC}-Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay colaad abuurnimo, isaga oo usoo jeediyay in ay nabada ka shaqayso.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqaynayso in ay colaad ka abuurto dhul nabad ah, xilli dowladda Soomaaliya ay taageero buuxda siisay maamulka cusub ee Waqooyi Barri, ee xaruntiisutahay Laascaanood.
Somaliland ayaa kasoo horjeeda maamulka cusub ee Waqooyi Bari, oo dowladda Soomaaliya ay taageersantahay, iyada oo gobolka Sool u aragta qayb kamid ah dhulkeeda oo aan laga jari karin.
Waxaana baryahandambe warbaahinta qaar sheegaysa in laga yaabo in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu booqasho ku tagi doono magaalada Laascaanood, taasi oo Somaliland dhankeeda anay soo dhawayn doonin.
Dhanka kale, maamulka Waqooyi Bari, ayaa aaminsan in dhamaan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ay kamid yihiin dhulkiisa, isla markaana ay waajibtahay in xukunka maamulka lagu fidiyo. Madaxweyne Firdhiye ayaa xilligii uu doorashada ku jiray sheegay in uu magaalada Ceerigaabo soo galin doono gacanta maamulkiisa.



