Maraykanka oo laga cabsi Kaqabo in Shiinaha uu gacanta ku dhigo sirta Maraykanka!

0
29

Jimco 5 Sep 2025 {HMC} Dalka Maraykanka ayaa bannaanka soo dhigay xog welwel badan gelisay amniga dalkaas oo la xiriirta in uu Shiinaha maalgelinayo Dadka u dhashay Bartamaha Ameerika si ay u tagaan Dalkaas una gudbiyaan xogaha qarsoon ee Beijing uga baahan tahay Washington.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Marco Rubio ayaa Warbaahinta u sheegay in xog ay heleen ay muujineso sida uu Shiinaha dhaqaale badan u gelinayo sidii uu basaasiin ugu dhex yeelan lahaa Gudaha Dalkiisa.

Marco Rubio ayaa sheegay in Dowladdiisa ay qaadayso tallaabooyin ay ku xadideyso Dal ku galka Maraykanka ee ajaanibta gaar ahaan kuwa dhaca Bartamaha Ameerika si loo kala jaro isu xiran Shiinaha iyo Shabakadahaas culayska ku noqon kara dalkiisa.

Sida ay warisay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa jirta cabsi xooggan oo dhinaca tallaabooyinka uu qaadayo Dalka ay ku xifaaltamaan Siyaasadda, dhaqaalaha iyo awoodaha Militariga ee Shiinaha, taasi ayaa lagu sifeeyay dhacdo kale oo hurdada u diidaysa Maraykanka.

Maraykanka ayaa dhowaan sheegay in ay jiraan dalal badan oo kasoo horjeeda danihiisa oo isbahaysi culus samaysanaya sida Shiinaha, Ruushka, Kuuriyada Waqooyi iyo Dalal kale oo dhaca Aasiya iyo Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here