Axad ,07 SEPTMPER 2025 {HMC}Ra’iisul Wasaaraha Dalka Japan Shigeru Ishiba ayaa la sheegay in uu qorsheynayo iscasilaad si uu u badbaadiyo mustaqbalka Xisbigiisa ee LDP sida ay baahisay Warbaahinta NHK, waxa uu beeniyay in qorshahaan uu ka dhashay cadaadis ka yimid guuldarradii Doorashada.
Tan iyo Bishii Oktoobar, waxa uu Ra’iisul Wasaare Shigeru qaadayay tallaabooyin uu ku muujinayo awoodda Xisbigiisa balse markii dambe waxaa la dhadhansiiyay guuldarro taariikhi ah oo ilaa haatan aad loo hadal hayo.
Waxyaabaha inta badan loo tiirinayo guuldarrada siyaasadeed uu la kulmay Ra’iisul Wasaare Shigeru Ishiba waxaa qayb ka ah canshuurta Madaxweynaha Maraykanka uu dulsaaray gaadiidka waddankaas lagu sameeyo ee Dalkiisa loo iib geeyo.
Shigeru Ishiba oo ah 68 sano jir ayaa xilkaan la wareegay 1dii Oktoobar sanadkii hore 2024, waa hoggaamiyaha Xisbiga Talada Japan haya ee LDP, siyaasadda muddo dheer ayuu ku jiray isaga oo dareemaya culayska xooggan ee saaran.



