Wasiir Karoore ayaa sheegay in ciidanka Macawiisleyda reer Hiiraan ineysan dowladda Fedaraalka ka helin taageeradii ay u baahnayeen, taasina ay keentay inuu hakad ku yimaado dagaalkii ay kula jireen kooxda.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay Wasiir Karoore in Macawiisleyda reer Hiiraan ay si geesinimo leh u galeen dagaalka ka dhanka ah AS, islamarkaana si muuqato loo arkay guulahii ay ka gaareen dagaalka AS
“Reer Hiiraan waa dad isku tashaday oo dhiig iyo maalba u huray difaaca deegaankooda, ma aha dad caado u leh inay dawarsadaan, maanta waxay mudan yihiin taageero dhab ah oo garabkooda waxay ka waayeen Dowladdii iyo dadkii kale ee Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Karoore.
AS ay dib ula wareegtay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan oo horay kooxda looga xureeyay laba sano ka hor.



