spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Nin lagu tuhmaayo in uu ka danbeeyay Dilka Charlie Kirk, oo loo...

Nin lagu tuhmaayo in uu ka danbeeyay Dilka Charlie Kirk, oo loo qabtay.

0
31

Jimco 12, Sep 2025 {HMC}  Tuhmanaha oo lagu magacabay Tyler Robinson, oo da’adiisana lagu sheegay 22 sano jir ka soo jeeda gobolka Utah ayaa la xiray isagoo loo qabtay dilka Charlie Kirk, oo la toogtay xilli uu dad kula hadlay jaamacada Utah Valley.

Saraakiishu waxay cadeeyeey inuusan arday ka ahayn jaamacada Utah Valley University, basle waxay kaloo xaqiijiyeen inuu mar wax ka bartay sanadkii 2021-kii.

Waxay intaa ku dareen in xubin ka mida qoyskiisa uu cadeeeyey in Robinson uu noqday sanadihii dambe mid siyaasadda ku fooganaa mar sii horreysayna uu qarabaadiisa u sheegay inuusan jeclay Krik.

Sawirka tuhmanaha ayaa la sii daayey waxaana hadda uu ku jiraa gacanta dowladda.

Sanadkii 2021-kii ayuu sidoo kale la sheegay inuu isu diiwan geliyey coday.

Charlie Kirk, wuxuu ahaa 31 jir, ahna aasaasaha urur siyaasadeed la dhaho Barta Isbeddelka Mareykanka oo ah urur aan faa’iido doon ahayn oo faafiyaya afkaar dhaqameedka iyo waxbarashada kolejyada Maraykanka. Wuxuuna saaxiib dhow la ahaa Madaxweyne Trump.

Markii toogashadiisu dhacaysay waxuu ka hadlayay bandhig dadweyne oo ay kasoo qeyb galeen dad gaaraya 3,000 oo qof kuwaas oo ku sugnaa bannaanka jaamacadda Utah.

XIGASHO BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here