spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Maxaa hortaagan Kalfadhiga 7aad ee BFS in uu furmo?

Maxaa hortaagan Kalfadhiga 7aad ee BFS in uu furmo?

0
16

Sabti 13, Sep 2025 {HMC} Furitaanka kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Muddo saddex todobaad ah suuragelin marka la eego waqtigii guddoonku sheegay in uu furmayo oo ku beegnayd 23kii Agoosto 2025 iyada oo ilaa haatan aanay jirin cudur daar la dulsaaray sababta uu u furmi la’ yahay.

Waxaa jira hadal kale oo la xiriirta in fadhiga Baarlamaanka lagu furayo bartamaha Isniinta oo ku beegsan 15ka September 2025, waxaa socda kulamo uu leeyahay Guddoonka iyo Guddiga joogtada si ay uga hadlaan ajandayaasha yaalla.

Xildhibaannada qaar ayaa guddoonkooda ku dhaliilay in kalfadhigu uu furmi la’ yahay iyada oo jiro mooshin ay wadaan Xildhibaanno dhaliilsan habka shaqada ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furaya Kalfadhiga Baarlamaanka 7aad isaga oo gudaha qodobka 90aad ee Dastuurka Dalka oo faraya in uu furo Kalfadhiga Baarlamaanka.

21kii June 2025 ayaa la xiray kalfadhigii 6aad ee Baarlamaanka kaddib markii warsaxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen Guddoonka labada Aqal waa Golaha Shacabka iyo Aqalka sare, si Xildhibaannadu dib ugu laabtaan deegaan doorashadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here