Axad 14 Sep 2025 -{HMC} Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa gaaray magaalada Doxa ee caasimadda dalka Qadar, isaga oo ku biiraya hoggaamiyeyaasha dalalka Islaamka oo ka qaybgali doona Shirwaynaha Dalalka Islaamka iyo Carabta.
Madaxwayanha ayaa inta uu Shirku socdo waxaa uu sidoo kale kulamo-doceedyo la yeelan doonaa qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha dhiggiisa ah ee goobjoogga ah.







