Talaado, 16-Sep 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay caqabadda hortaagan in la daabaco lacag cusub maadaama lacagtii Dalka oo Kun shillin keliya ka shaqaynayo uu qudhiisa kusii socdo dabargo’
Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in lacag dhan $70 Milyan oo Doollar loo baahday si lacagta cusub loosoo daabaco balse $30 Milyan oo doollar laga caawiyay inkasta oo uusan carrabka ku dhufan cidda ama dalka ka caawiyay.
Lacagta loo xayiran yahay oo ah $40 Milyan oo doollar ayuu sheegay in ay wadahadal kala galeen Dowladda Carbeed ee Kuwait isaga oo rajo fiican ka muujiyay in ay doorkaas qaadato iyada oo aanay dayn ku ahayn Dalka sida uu hadalka u dhigay.
“Si aan lacag u daabacano waxaa nalooga baahan yahay $70 Milyan oo doollar, waxaa nagala caawiyay $30 Milyan, waxaana naga maqan $40 Milyan oo aan rabno in aan helno iyada oo aan dayn ahayn, waxa aan wadahadal fiican kula jirnaa Dowladda Kuwait oo aan ka rajeyneyno in ay naga caawiso” Ra’iisul Wasaaraha XFS, Xamsa Cabdi Barre.
Soomaaliya maka gudbi doontaa caqabadaha kahortaagan in ay lacag cusub daabacato?






