Khamiis 18 Sep 2025 {HMC} Muhaajiriinta ka gudbay biyaha isku xira Faransiiska iyo Ingiriiska shantii sanno ee La soo dhaafay ayaa ka badnaatay dhamaan Ciidamada kala duwan ee Ingiriiska.
Muhaajiriinta ka gudbay biyaha isku xira Faransiiska iyo Ingiriiska shantii sanno ee u dambeysay ayaa hadda ka badan ciidanka Ingiriiska , iyadoo 90% dadkaas ay yihiin rag , halka 67% ka mid ah ay gaareen dadka ay ku noqon karaan askar.
Tirada Muhaajiriinta la diiwaangeliyay ee ka soo galay biyaha Faransiiska ayaa la sheegay inay gaartay 181,326, taa oo ka badan dhammaan qeybaha ciidanka Ingiriiska oo ay ku jira kuwa dhulka, badda iyo xirka kuwaas oo wadartoodu tahay 180,779 askari.






