spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Nin u ololeeye Falastiiiniyiinta oo la amray in laga musaafuriyo Mareykanka.

Nin u ololeeye Falastiiiniyiinta oo la amray in laga musaafuriyo Mareykanka.

0
26

Khamiis 18 Sep 2025 {HMC} Garsoore ka tirsan hay’adda socdaalka oo ku sugan gobolka Louisiana ee dalka Mareykanka ayaa amar ku bixiyay in Maxamuud Khalil, oo ah u ololeeye taageersan Falastiiniyiinta, laga masaafuriyo dalka laguna celiyo Algeria ama Suuriya, sababo la xiriira in uu ka tagay xog muhiim ah oo ku saabsan codsigiisa kaarka la yiraahdo green card.

Mr. Khaliil – oo ah qof si sharci ah deggenaasho ugu haysta Mareykanka – ayaa la xiray muddo ka badan boqol maalmood horraantii sanadkan, xilli maamulka Trump uu cadaadis saarayay mudaaharaadyada ardayda ee ka dhanka ah dhaqanka Israel ee marinka Qasa.

Qareenadiisa ayaa sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan go’aankaas. Mr. Khaliil ayaa sheegay inaysan “la yaab ku ahayn” in dowladda ay sii waddo aargoosiga kaga imanaya xorriyaddiisa hadalka.

XIGASHO BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here