spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Muxuu madaxweyne Xasan Sheekha ka yiri qofka Soomaaliga ah ee haysta baasaboor...

Muxuu madaxweyne Xasan Sheekha ka yiri qofka Soomaaliga ah ee haysta baasaboor ajanabi ah ee dalka imaanaya?

0
46

Khamiis 18 Sep 2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dalka Soomaaliya aanu imaan karin qof ajanabi ah oo aan dal ku gal (Viiso) haysan isla markaana waxaa uu ku celceliyay in qofka Soomaaliga ah ee haysta baasaboor dal kale uu la mid yahay qofka dalkaasi u dhashay ee ay isku sharciga yihiin.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho oo lagu soo bandhigayay wax-qabadka xukuumadda ayaa adkeyay barnaamijka dhawaan ay dowladdiisu hirgalisay ee E-visa oo ah in qof kasta oo haysta baasaboor dal kale ay qasab ku tahay in uu soo dalbado fiisaha inta aanu imaan, iyadoo loo sameyay hannaan Online ah.

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya iyadoo dadka qaar cabasho ka muujiyeen arrintaan oo ay sheegeen in lacago dheeri ah laga qaado marar kala duwan.

Somaliland iyo Puntland ayaa sidoo kale ka horyimid tallaabadaan oo ku tilmaamay in aaney iyaga quseyn.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA MADAXWEYNE XASAN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here