spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Ra’iisul wasaare Xamse “Jubbaland ayaa dhawaan ka billaabeyna Diiwaan galinta dadweynaha ee...

Ra’iisul wasaare Xamse “Jubbaland ayaa dhawaan ka billaabeyna Diiwaan galinta dadweynaha ee Doorashada”?

0
15

Khamiis 18 Sep 2025 {HMC} Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dhawaan deegaannada Maamulka Jubbaland ay ka billaabi doonaan Diiwaan dadweynaha ee Doorasho qof iyo cod ah.

Khudbad uu Ra’iisul wasaare Xamse ka jeediyay Magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in dhammaan dowlad goboleedyada dalka ay ka socoto diiwaan galinta dadweynaha Doorashada dowladaha hoose.

Wuxuu sheegay Ra’iisul wasaaraha in Jubbaland oo dhiman dhawaan laga billaabi doono deegaannada Maamulkaasi, si shacabka deegaannadaasi u helaan xaqooda dastuuriga ah.

“Jubbaland ayaa dhawaan ka billaabeyna diiwaan galinta Doorasho qof iyo cod ah, si shacabkaasi xaqooda u helaan” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Hadalka Ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo aadaya xilli Dowladda Soomaaliya ay wado dadaallo bisha October dalka uga dhici laheyd Doorasho qof iyo cod ah oo goleyaasha deegaanka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here