Jimco 19 Sep 2025 {HMC}Dowladda Ingiriiska ayaa maanta dib u celineysa Nin u dhashay Dalka Eretareeya oo sanadkii 2019kii isaga cararay dalkiisa kaddib markii uu sheegay in uu ka cabsaday qorshaha qasabka ah ee Xukuumadda Asmara u adeegsato Dadka u dhashay Dalkaas sida uu ku dooday.
Ninkkaan oo magaciisa la qariyay ayaa da’diisa lagu sheegay 25 sano, waxa uu saddex todobaad ku noolaa xero taalla Faransiiska, halkaas ayuu ka qaatay go’aanka uu ugu tahriibay Ingiriiska isaga oo maray xuduudda biyaha ah ee labadaas dal ka qaybisa.
Waaxda Dowladda Ingiriiska u qaabilsan dib u dejinta Dadka soogalootiga ah ayaa ku dooday in Ninkaan uusan kasoo gudbin shuruudihii loogu talagalay in uu ku helo degenaashiyaha Dalkaas sidaas awgeedna ay dib ugu celinayaan halkii uu ka yimid markii hore oo Faransiiska ah.
Dowladda Ingiriiska ayaa dhowaan ku dhaqaaqday go’aan qaraar oo la xiriira dib u celinta Afrikaanka dalkaas ku galay sifooyinka aan sharciga ahayn, Xukuumadda London ayaa tallaabadaas ku difaacday mid ay uga hortagayso qulqulka Dadka.



