Sabti, 20,Sep 2025 {HMC} Netanyahu oo Cabsi Xoogan ka muujiyay Masar, Codsi Deg deg ah u Diray Tramp.
Netanyahu ayaa codsi rasmi ah u diray Madaxweyne Trump, isagoo usoo jeediyay inuu soo farageliyo dhaqdhaqaaqyada Dowladda Masar ay ka wado gobolka Siinay ee xadka la leh dhulka ay Israa|l heysato,
Waxa uu sheegay Netanyahu in awoodda milatari ee Masar in la soo dhigay, tallaabadaasoo uu ku sheegay inay jebinayso heshiiska nabadda ee 1979.
Netanyahu ayaa intaa raaciyay in gobolka Siinay la soo dhigay nidaamyada Shiinaha ee HQ-9 oo ay weheliyaan gantaallo casri ah oo awood burburin leh, sida ay werisay warbaahinta Axiso.



