hoggaamiye Ibrahim Traore oo Horumar weyn ka sameeyay Dalka Burkina Faso.

0
42

Sabti, 20,Sep 2025 {HMC} Dawladda Burkina Faso, ayaa muddo sannad ah oo tan iyo inta uu hoggaaminayo Ibrahim Traore, waxay dhistay 5,000 km oo waddooyin laami ah , iyadoo hadalkii u dambeeyay ee Traore uu toddobaadkan ka jeediyay telefishinka dawladda uu ku yiri

“Dalal yar-yar oo reer galbeed ah ama meelo kale ah, oo leh dhaqaale xaddidan, way awoodeen inay dhistaan wadooyinkooda,markaa maxaa u diidaya Burkina Faso, iyadoo aan haysanno awood iyo agab? Waxaan go’aansanay inaan dhisno waddooyinka isku xira magaalooyinka waaweyn, si loo fududeeyo isku socodka dadka loona sahlo hawlgalka ciidamada.”

Dalka Burkina Faso, tan iyo markii xornimada aan buuxin ka qaadatay Faransiiska , sannadkii 1960 iskudarka waddooyinka laamiga ah ee muddada la dhisay waxay ahaayaan 3,642 km, halka muddo sannad ah uu Ibrahim Traore, ku dhisay iyadoo aan cid kale iyo kaalmo shisheeye la adeegsan 5,000 km oo waddooyin laami ah.

Soomaaliya , dalalka Yurub iyo Bankiga adduunka ayaa bixiya dhismaha waddooyin aan gaarin 1,000 km , iskaba dhaaf in maamullada ay maalgeliyaane waxaa la musuq maasuqaa lacagta deeqaha ah ee waddooyinkaa loogu talagalay oo waqti yar inta badan ku burbura, taa oo ku filan fashilka nidaam ee Soomaaliya.

Marka la joogo Soomaaliya waxaad fahmaysa inuu dalku yahay mid hoggaamiyeyaashiisa iyo bulshada ay ku heshiiyeen inaysan waligood helin nolol karaamo leh ee ku dhex jirta burbur uu yahay waxa ay isku raaceen!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here