Axad, 21,Sep 2025 {HMC} Madaxweynaha Suuriya, Axmed Sharac oo ku sugan Mareykanka ayaa waraysi uu siiyay barnaamij ka baxa CBS, wuxuu ku dhaleeceeyay sida beesha caalamka ay u wajahday xaaladda Suuriya , isagoo si cad u sheegay inay ku fashilmeen xal u helida iyo soo celinta xasilloonida Suuriya.
Inta uu ku jiray waraysiga, wuxuu soo hadal qaaday wax u muuqda inay casharsiinayso Soomaaliya , marka uu ka hadlay dagaalka kooxda Daacish iyo dagaalyahannada kale ee hubeysan oo ay taageerto Iiraan, isagoo yiri ;
“Annaga ayaa la dagaallannay Daacish, annaga ayaa ka saarney gobolka maleeshiyaadka Iiraan iyo Xisbullah..Bulshada caalamka ma aysan xoreyn hal maxbuus, mana jebin go’doominta hal magaalo.”
Bulshada caalamka , waa midda taageerta Soomaaliya oo muddo nus qarni ku dhow , ku guul darraysatay in wax isbeddel ah laga gaaro xaaladda Soomaaliya. Waxa ku jira hadalka Sharac ayaa ah in isbeddelka uu u baahanyahay mowqif gudaha ah.
Hadda waxaan diiradda saaray halkan, balse doodda wali taagan ee ah sida Sharac , isaga u yahay mid taageerro ka helay galbeedka , waa mid u baahan waqtigeeda in laga hadlo.






