Isniin, 22 Seb 2025 {HMC} Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa maanta qaabilay La Taliyaha Amniga Qaranka, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf Axmed.
kulanka ayaa ammaanay iskaashiga xooggan ee u dhaxeeya African Union iyo Soomaaliya, soo dhaweeyay horumarka laga sameeyey dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaasna eegay fursadaha dheeraadka ah ee lagu xoojin karo Geeddisocodka Amniga iyo Nabadda ee ay Soomaaliya hoggaaminayso.
Waxaa sidoo kale kulanka ka qeybgalay Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika, Mudane Mouktar Osman Karie iyo Agaasimaha Guud ee Xafiiska Amnig Qaranka Soomaaliya, Mudane Cabdimaalik Cabdullaahi.






