spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Xildhibaaan Abdirizak oo kulan Soo dhaweyn ah u Sameeyay Feeryahanada Soomaaliyeed ee...

Xildhibaaan Abdirizak oo kulan Soo dhaweyn ah u Sameeyay Feeryahanada Soomaaliyeed ee Ramlo Cali.

0
22

Isniin, 22 Seb 2025 {HMC} Wasiir Xildhibaaan H.E. Abdirizak Omar Mohamed ayaa caawa magaalada Muqdisho ku marti qaday casho sharaf xiddigta Soomaaliyeed ee caalamiga ah, Marwo Ramla Cali, oo dalka Soomaaliya ku matasha ciyaaraha feerka heer caalami.

Kulankan casho sharafta ah ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu muujiyo taageerada iyo qadarin weyn ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u hayaan Ramla Cali, taasoo magaca iyo calanka Soomaaliya mar kasta gaarsiisa meelo sar-sare oo caalami ah.

Wasiirka ayaa ugu hambalyeeyay Ramla Cali guulaha ay gaartay, isagoo xusay in ay tahay astaan dhiirigelin iyo hal-adayg u ah dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan gabdhaha doonaya in ay ka qaybqaataan ciyaaraha caalamiga ah.

“Ramla waxay astaan u tahay guusha, adkeysiga iyo sumcadda wanaagsan ee Soomaaliya. Waxaan ku bogaadinayaa doorka ay ku leedahay horumarinta ciyaaraha iyo magaca ay mar kasta sare ugu qaaddo dalkeena,”

Dhankeeda, Marwo Ramla Cali ayaa uga mahadcelisay Wasiirka iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhoweynta iyo taageerada joogtada ah, iyadoo ballan qaaday inay sii wadi doonto matalaadda iyo difaaca magaca iyo sharafka Soomaaliya goobaha caalamiga ah ee cayaaraha feerka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here