Arbaco, Sep 24, 2025 {HMC} Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in Dowladdiisa ay muddo kororsi ku raadinayso Doorashooyinka Dadweyne kaddib markii Mucaaradka uu ku dhaleeceeyay arrintaas.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in muddo xileedkiisii hore uu diiday, Madaxweynihii ka dambeeyayna uu sidaas oo kale ka diiday, maanta aanay jirin sabab uu u raadin karo muddo kororsi sida uu hadalka u dhigay.
“Mowqfikeyga waala garanayaa, hal teeram ayaa dalka horay usoo xukumay, Waligey waala ogyahay iyada oo Hay’adaha Dowladda & Hoggaamiyaasha siyaasadda jooga oo raba muddo kororsi ninka diiday ayaan ahay, Ninkii I baddelayna markii uu muddo kororsi aqbalay nin diiday ayaan ahay, maanta in aan muddo korosi u cararo ma dhici karto” Ayuu yiri MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxa uu intaas ku daray in aanay welwel ku hayn in uu xafiiska banneeyo haddii looga adkaado Doorashada Dalka, waxa uu intaas ku daray in uu diyaar u yahay bannaynta xilka haddii looga guulaysto Doorashada soo socota sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in qorshihiisa uu yahay in muddada afarta sano ee ku siman 15ka May 2026 kahor uu ku dhammaystiro Doorashooyinka Dalka balse mar weliba ay imaan karaan in waqtiga uu jiitamo iyada oo shaqada ay socoto.
“Dabciyan in aan xafiiska ka tago welwel iguma hayso, in la iga adkaado waxba kama qabo, waxa aan rabaa in dalkaan uu maro waddo sax ah, muddo xileedkeyga waxa uu ka billowday 15ka May 2022, doodo way iska imaan karaan oo goorma ayuu dhammaan karaa balse waxa uu ku siman yahay 15ka May 2026 oo kahor ayaan rajaynaa in aan doorashada ku qabto, wixii ka bacdi mustaqbalka imaan doonno ilaah ayaa og” Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Arrinta Dowlad-Goboleedyada Jubbaland & Puntland
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo hadal qaaday arrinta xiriirka ee Dowladda dhexe kala dhaxeeya Dowlad-Goboleedyada Jubaland iyo Puntland, waxa xusay in uu marweliba albaabada wadahadalka furan yihiin oo natiijo fiican la helo dhowaan.
Beegsiga AS ee ka dhanka ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud
Mar wax laga weydiiyay weerarkii ‘AS’ ay ku beegsadeen kolonyadiisa waxa uu sheegay in dhowr jeer ay isku dayeen Shabaab in ay dilaan balse uu ka badbaaday, waxa uu intaas ku daray in ay is garanayaan isla markaana ka go’an tahay ka guulaysigooda.
“Weerarkii Maarso waxa uu ahaa kii 5aad ee AS isku dayeen in ay igu dilaan, Nimankaas waan is naqaanaa oo dhiig ayaa naga dhaxeeya, ” MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.
Hadalkaan waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay Wareysi uu siiyay Laanta Afsoomaliga ee BBC, waxaana wax looga weydiiyay Arrimaha Siyaasadda, Doorashooyinka iyo kuwo kale.






