spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Meydka Saraakiisha shalay lagu dilay qaraxa miino oo maanta la aasayo?

Meydka Saraakiisha shalay lagu dilay qaraxa miino oo maanta la aasayo?

0
19

Arbaco, Sep 24, 2025 {HMC} Waxaa maanta Salaada Janaasada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari lagula tukaday meydka Saraakiishii ka tirsana ciidanka Puntland ee lagu dilay qarax miino oo ka dhacay deegaanka Dhasaan ee degmada Qandala, gobolka Bari.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka ayaa ka qeyb galay Janaasada oo saraakiisha lagu tukaday oo uu ku jiro taliyihii guutada labaad ee ciidamada Daraawiishta Puntland, Jeneraal Axmed Cabdi Qalyare.

Janaraal Axmed Qalyare waxa uu kamid ahaa saraakiisha waaya-aragga ah ee ciidamada Dowlad-Goboleedka Puntland hoggaanka u haya, waxa uu lasoo shaqeeyay Dowladdii dhexe ee Dalka maamuli jirtay isaga oo noqday Taliyihii Ciidanka Xoogga ee Gobolka Awdal.

Kahor howlgalka Dowlad-Goboleedka Puntland in aysan ka fulin Gobolka Bari waxa uu kaalin wayn ka qaadanayay tababarka iyo diyaarinta ciidamo qaarkood la joogay jiidaha hore ee Dagaalka sida ay sheegeen ilo kala duwan.

Meydka saraakiisha ayaa la qorsheynaya in lagu aaso magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamul goboleedka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here