Arbaco, 24 Sep 2025 {HMC} Waxaan weydiinay madaxweynaha, in markjii uu xafiiska yimid in ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka ee macawisleydu ay bilaabeen guluf dagaal oo ka dhan ah Alshabaab oo deegaanno badan oo ka mid ah Galmudug iyo Hirshabelle lagu qabsaday balse sanadkan ay Alshabaab deeganadaas qeybo ka mid ah ay dib u qabsadeen?
Madaxweynaha ayaa ku dooday in dadka Soomaaliyeed ay tahay in laba wax-yaalood ay ukala saarnaato “dagaalka guud ee uu dalku ku jiro iyo goob dagaal oo lagu kala adkaan karo, goob dagaal maalinna waa lagu riixaa maalinna wax baad riixeeysaa”
Madaxweynaha ayaa sheegay in waxa la tilmaamaya ay hadada yihiin goob dagaal laakin goobo kuwaas ka badan in ay ciidamada dowladda Soomaaliya ay Alshabaab ka saareen, sida uu dalka u dhigay madaxweyne Xsan Sheekh.
Madaxweynaha mar la weeydiiy in meelaha qaar sida Aadan Yabaal ay ciidamadu iskaga baxeen dagaal la’aan, waxa uu ku adkeystay in meel ciidanku ay dagaal la’aan uga baxeen aanay jirin. “Meel walba ciidanku dagaal ayeey uga baxeen ama daruuftaa u saamixi weysay in ay meesha hayaan” ayuu yiri madaxweynaha oo intaas ku daray in saraakiisha goobtu ay go’aanadooda u madaxbannaanyihiin sida hadii ay dib u gurasho sameeyaan iyo haddii kaleba.
Sida uu arko warar horey u soo baxay oo sheegayay in dardarta dagaal ee Alshabaab ay kula jirto dowladda, in Alshabaab ay la waregi karaan Soomaaliya, madaxweynuhu waxa uu kaga jawaabay “Dacaayad ayey ahayd, 18 sano ayeey joogaan Alshabaab haddii ay hadda ka hor qabsan waayeen rajo ah in Alshabab Soomaaliya qabsadaan waa dhimatay” ayuu yiri madaxweynaha oo intaas ku daray in ay dhawdahay rajo ah in Alshabaab laga tirtiro Soomaaliya.
Madaxweynaha waxa uu sheegay in Soomaaliya ay caddow badan leedahay, arimo badana ay sabab u ahaayeen in Alshabaab joogaan dalka 18 sano, barabagaando ayey ahayd in la yiraa bisha Ramadaan Alshabaab ayaa xamar qabsanayo iyo Al-shabaab waxa uu nqoonayaa Dhaalibaan oo kale “Soomaaliya sida Afgaanistaan oo kale ma ahan, Shabaabna Dhaalibaan ma ahan, anaguna madaxdii iyo masuuliyiintii Afghanistan joogtay ma nihin”.

XIGASHO BBC






