Arbaco, 24 Sep 2025 {HMC} Madaxweynuhu waxa uu sheegay in 17 sano ka hor ciidamdii yimid mid ka mid ah hadii uu meesha ka baxo, in nciidan kale ay soo bedelaan ciidankaasna ay tahay.
Masar ayaa ku guuleeysatay in ay soo bedesho oo Midowga Afrika ogolaashihiisa ayey la timid ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in ogolaasho Midowga Afrika ay ku joogeeyso marka dhawna ay imaaneyso.
Madaxweyaha waxa uu sheegay in xiriir qoto dheer ay Soomaaliya la leedahay Masar , Itoobiyana ay tahay deriskeena dalalka ugu mihiimsan ee dalkan Alshabab kula dagaallamay
“Anaga iyo Itoobiya isma dooran ee hal doorasho ayaan qabnaa in aan nabad kuwada noolaano” ayuu yiri Xasan Sheekh oo intaas ku daray in Masar iyo Itoobiya ay iyagu ka dowlad ahaan u yeerteen, in ay halkan isku diriraanna suurta gal ma ahan, hadafkeenana ma ahan saas. “Soomaaliya in laba dowladood oo ajnabi ah inta ay yimaadaan ay isku diriraan ma aqableyno” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh .






