Arbaco, 24 Sep 2025 {HMC} Madaxweynaha oo ka hadlayey amniga Muqdisho ayaa sheegy in magaalada amaankeedu uu hadda aad u wanaagansanyahay, laakin waxa uumadaxweynuhu sheegay in aanu amnigu si iskiis ah iskaga soo hagaagin ee uu ku yimid Alla rabitaankiisa kasoow in dowladda Soomaaliaya, ciidamda amniga iyo shacabka Soomaaliyeed ay sabab u ahaayeen, kuwaas oo aad iyo aad uga hor yimid fikirka aragagaxa leh ee Alshabaab kuwaas oo ku dhibaatooday buu yiri, xanuunkiisana dareemay.
Madaxweynaha oo sii faahfaahinaya amniga Muqdisho sida uu usoo hagaagay ayaa sheegay in bishii August caasimad ka mid ah caasimadaha Yurub, 18 qof ay ku dhimatay , Muqdishana aanu hal qof ku dhiman. “Qaraxna uma dhiman, toogshana uma dhiman”.






