Arbaco, 24 Sep 2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud mar la weydiiyay bal waxa uu dareemay, markii qarax isku day dil ah oo ay Al shabaab waddada u dhigeen uu ka badbaaday bishii Ramadaan ee sanadkan taas oo dad kale ay wax ku noqdeen, waxa uu kaga jawaabay.
“Markii ugu horeysay ma ahan ee Alshabaab ay isku dayaan in ay i dilaan, waxa aan aaminsanahay markii ugu danbeysayna ma noqoneysa” ayuu yiri Xasan Sheekh oo intaasi ku daray in xilligii hore ee uu madaxweynaha ahaa, marki la doortay isagoo laba habeen jooga oo aan weli imaan madaxtooyada in ay Alshabaab hoteel kusoo weerareen, oo in ay dili rabeen, ka dibna ay dhowr jeer soo weerareen.
“Weerarka dhacay bishii March waa kii shanaad ee ay rabeen in ay igu dilaan, marka, nimankaas aniga iyo iyagu waa is naqaan” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in isagoo doonaya in ay Soomaaliya ka xarowdo Alshabaab in uu u dhinto qadiyadaas, anaay jirin wax uga macno badan.






