Khamiis 25, Sep 2025 {HMC} Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donal Trump, ayaa Aqalka cad ku qaabbilay Erdogan , isagoo ammaanay xiriirka saaxiibtinimo ee muddada dheer kala dhaxeeya, si ka duwan cid kasta oo hore Trump wuxuu ahaa mid si diirran usoo dhaweynaya Erdogan illaa uu ku sheegay Turkiga inuu yahay mid leh awood milatari oo xooggan.
Waxaa kaloo uu sheegay in cunaqabataynta Mareykanka ee saaran Turkiga si deg deg ah loo qaadi karo, balse arrintaasi waxay ku xirnaan doontaa natiijada wadaxaajoodka uu la leeyahay Erdogan.
Mr Trump wuxuu intaa ku daray in Putin iyo Zelensky ay ixtiraamaan Erdogan, isagoo xusay inuu saameyn weyn ku yeelan karo dagaalka Ukraine haddii uu doono, balse uu doorbidayo inuu dhexdhexaad ahaado.
Kulanka Trump iyo Erdogan ayaa la filayaa inuu albaab u furo heshiisyo ganacsi oo ka badan $50 bilyan, iyadoo sidoo kale la gorfeeyn doono iibka nidaamyada difaaca Patriot, iyo diyaaradaha dagaalka F-35 iyo F-16 ee Mareykanka oo uu helayo Turkiga.






