Diyaarad Siday Netanyahu oo ka weecday hawada Yurub, Cabsi uu ka qabo in la carqaladeeyo.

0
31

Khamiis 25, Sep 2025 {HMC} Duulimaadka Netanyahu geeyay New York , ayaa ka weecday hawada Yurub, isagoo ka welwelsan in la carqaladeeyo, halka dalalka Yurub qaarkood ay horey u sheegeen inay dhaqangelinayaan go’aanka maxkamadda ICC ee waaran u jartay Netanyahu.

Diyaaraddiisa gaarka ah ee Wings of Zion oo uu la socday Netanyahu ayaa ka duushay bariga Mediterranean-ka, dul martay koonfurta Giriigga iyo Talyaaniga, kadibna sii gashay Badda Mediterranean, una gudubtay badweynta Atlantic, iyada oo aan gudaha u galin hawada dalal badan oo Yurub ah. Caadi ahaan, duulimaadyada Israa|l ilaa Mareykanka waxay maraan waddo gaaban oo dhex marto Yurub bartankeeda, oo ay ku jirto hawada Faransiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here