spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Natiijada Baaristii ay sameeyeen Mucaaradka Soomaaliya.{AKHRISO}

Natiijada Baaristii ay sameeyeen Mucaaradka Soomaaliya.{AKHRISO}

0
32

Khamiis 25, Sep 2025 {HMC}  Xoghayaha madasha samatabixinta Dr Maxamed Aadan Koofi ayaa soo bandhigay xog baariseed la xiriirta dhacdadii saldhiga Boliiska ee Warta Nabada.

“Natiijada Baaris Hordhac ah oo ay samaysay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, waxay muujinaysaa in dhacdadii shalay ee Saldhigga Wardhiigley ay aheyd shirqool qorshaysan oo la doonayay in looga takhaluso oo lagu qaarajiyo Madaxda Madasha ee booqashada qaybta ka ahayd.

Tiirarka caddeymaha ay heyso Madashu waxaa ka mid ah:

1) Saraakiisha booliiska ayaa Madaxda Madasha ku ballamiyay Saldhigga.

2) Waxaa Saldhigga lagu diyaariyay ciidamo gaar ah oo ka mid ahaa ciidanka gaarka ah RRT oo booliiska ka tirsan.

3) Waxaa bannaanka Saldhigga loo saaray ciidamadii ku qornaa Saldhigga, iyo saraakiishoodii.

4) Waxaa la sugay inta ay Madaxdu ay ka soo dagayso gaadiidka

5) Marka ay Madaxdu soo gaartay Saldhigga ayaa xoog loo xiray Albaabka Saldhigga.

6) Marka ay Madaxdu bilaawday la hadalka warbaahinta, ayaa Saldhigga laga riday xabbad baaq ah, kaddibna askar lagu diyaariyay Koolbewaardiyeyaasha sare ee Saldhigga ayaa si darandoori ah rasaas u huggiyay Madaxda.

7) Bamb gacmeed ayaa ka mid ahaa hubka ay adeegsanayeen Ciidanka RRT, taas oo xabbad ka mid ah lagu tuuray meel aan ka fogayn Madaxda.

9) Inta badan gaadiidka Madaxdu saarnayd waxaa mar kale lagu beegsaday Suuqa Siinaay.

10) Caddeymo kale oo xasaasi ah”

Madashu waxay sii wadi doontaa baarista, waxayna soo bandhigi doontaa isla marka ay soo dhammaystiranto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here