Diyaaradaha Dagaalka Ruushka oo Mar kale qal qal giliyay Hawada Dalka Denmark,

0
24

Sabti 27, Sep 2025 {HMC} Dalka Denmark, oo ka tirsan waqooyiga Yurub ayaa u muuqata inuu marayo tijaabada Ruushka , kaddib markii maanta mar kale ay ku dhawaaqeen Booliiska dalkaa in saldhigga ugu weyn ciidanka cirka Denmark ee Karup uu la kulmay dhaqdhaqaaq hawada ah , oo ka dhashay labo diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn in la dul geeyay saldhigga, lamana soo ridin, taa oo ay booliiska ku macneeyeen sabab la xiriirta badqabka saldhigga.

Toddobaadkii hore garoonka diyaaradaha ugu weyn Denmark, ayaa u xirmay diyaaraddo aan duuliyaha lahayn oo la dul keenay, iyadoo hadda sirdoonka iyo laamaha kale ee amniga Denmark ay sheegeen inay ku jiraan feejignaan iyo diyaar garow xaalad kasta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here