Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga iyo Saraakiil Kale oo gaaray Jiida hore ee Dagaalka.

0
46

Sabti 27, Sep 2025 {HMC} Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, oo ay weheliyaan Taliyaha Sector-ka 1-aad ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM) iyo saraakiil kale oo ka tirsan Xoogga Dalka, ayaa kormeer ku tegay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Goobaha uu Taliyuhu gaaray ayaa waxaa ka mid ahaa deegaanno ku dhow degmada Awdheegle.

Taliyaha ayaa booqday dhammaan goobaha kala duwan ee ay ciidamada ka wadaan howlgalada, waxa uuna ku bogaadiyay guulaha ay gaareen iyo jabkii culus ee ay cadowga gaarsiiyeen.

Dhanka kale, Taliyaha ayaa geesiyada is garabsanaya faray inay soo afjaraan goobaha gabaadka ay ka dhiganayaan Al shabaab

Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa si dardar leh uga socda wajiga saddexaad ee howlgalka “Duufaanta Aamusan”, kaas oo jab culus lagu gaarsiiyay Al shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here