spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Ruushka oo digniin culus u diray Qaramada Midoobay iyo wadamada Yurub.

Ruushka oo digniin culus u diray Qaramada Midoobay iyo wadamada Yurub.

0
35

Sabti 27, Sep 2025 {HMC} Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa khudbad uu ka jeediyay golaha guud ee Qaramada Midoobay, wuxuu digniin culus u diray Qaramada Midoobay, isagoo sheegay in fikirka Naasiga uu mar kale kusoo ifbaxayo qaaradda Yurub, halka hoggaamiyeyaasha NATO ay si cad uga hadlayaan suuragalnimada dagaalka saddexaad ee adduunka.

Lavrov wuxuu ku eedeeyay Yurub inay ku dhaqmayaan siyaasad baal marsan Axdiga Qaramada Midoobay, gaar ahaan qodobka ku saabsan sinnaanta madaxbannaanida dalalka xubnaha ah.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in Ruushku uusan ku baaqaynin kacdoon ama isbeddel nidaam, balse uu ku baaqayo in si adag loo dhowro Axdiga Qaramada Midoobay, iyada oo aan la adeegsan laba-wajiilenimo iyo hal dhinac u eexasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here