Axad 28 Sep 2025 {HMC} Dowladda Mareykanka ayaa Dowladda wadanka Turkiga u gudbiyay codsi la xiriira in shirkadda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Baykar ay xarumo wax soo saar ka furato gudaha Mareykanka , si Mareykanka uga faa’iideysto tiknoolajiyada Turkiga ,sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ,Hakan Fidan.
Maxeey tahay waxa ay Dowladda Mareykanka uga baahanyahay Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn Turkiga ee Baykar.?
Mareykanka wuxuu leeyahay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo loo arko kuwa ugu sarreeya caalamka , balse waa kuwo ku fadhiya dhaqaale badan si ka duwan kuwa Turkiga oo leh tiknooliyad iyo awood casri ah, balse toban jibbaar qiimo ka hooseeya kuwa Mareykanka lagu soo saaray.
Wuxuu ka walaacsanyahay Mareykanka , wax soosaarka Shiinaha ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo xarga goostay, taa oo Mareykanka uusan sameyn karin , sabab la xiriirta qiimaha badan ee ku baxaya diyaaradahiisa, si taa meesha looga saaro iskaashiga wax soosaarka ee Turkiga ayaa u suragelin kara inuu qeyb ka noqdo tartankaa.
Si fudud , waa wax la mid ah tallaabada uu Ruushka ku adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan, isagoo heysta kuwa leh awood sare, hadana qiimaha hoose ee ay ku kacayaan diyaaradaha Iiraan ayaa ku qasbay inuu adeegsado diyaaradaha Shahed, si uu ugu adkeyso dhaqaale ahaan dagaalka waqtiga dheer socda ee Ukraine.






