Waa noocee qorshaha joojinta dagaal Qasa.?

0
26

Talaado 30 Sep 2025 {HMC} Waxaa soo baxay wax cusub oo la xiriira nooca qorshaha joojinta dagaal Qasa ee la horgeeyay Xamaas, waa mid ka duwan qorshihii ay wada diyaariyeen Trump iyo dalalka Carabta iyo Islaamka ee la doonayo inay qeyb ka noqdaan, sida ay werisay Axios.

•Qorshaha wuxuu wax badan ka duwan yahay midkii la shaaciyay , taa oo ku dhacday markii Netanyahu uu dhexda u galay oo wax ka beddelay , waxaana la arkay wax ka beddel weyn oo hadda ka caraysiiyay , Sacuudiga, Masar, Jordan iyo Turkiga , halka Qatar ay iskudayday inan arrimahan si dhaqso ah bannaanka loogu soo saarin, si xiisad aysan uga dhalan.

•Wax ka beddelka wuxuu sameeyay Netanyahu , kadib kulamo uu la kulmay wiilka uu sodogga u yahay Trump ee Jared Kushner, oo Yahuudi ah maskaxdii ka dambeysay heshiiskii Ibraahim ee lagu dhisay xiriirka dalalka Carabta iyo Israa|l , markii kulankan uu dhacay waxaa lagu soo daray qorshaha shuruudo adag oo ay ugu muhiimsan tahay in ka bixitaanka ciidanka Israa|l , lagu xiro hub ka dhigis lagu sameeyo Xamaas.

Haddii xataa la dhammeeyo saddexda weji ee qorshaha bixitaanka, weli ciidamada Israa|l ayaa ku sii nagaan doona aag amni oo gudaha Qasa ka tirsan muddo aan la cayimin.

Xaaladan waxay dhalisay xiisad horleh , iyadoo Trump iyo Qatar ay iskudayayaan in xal la helo si qorshahan uusan u noqon mid fashilma, sida lagu sheegay warbixinta Axios.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here