spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Soomaali Badan oo ku Xiraa magaalada Lubumbashi ee dalka Congo oo La...

Soomaali Badan oo ku Xiraa magaalada Lubumbashi ee dalka Congo oo La sii Daayay.

0
16

Talaado 30 Sep 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay xabsiyada ka sii deyso Soomaali lagu qabqabtay magaalada Lubumbashi ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

Haddaba xaaladda dadkaas iyo sababihii dadkaasi loo qabqabtay ayaa waxa BBcda uga uga warramay Ilyaas Cali Xasan oo ah Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan Tanzania iyo DR Congo.

Danjire Ilyaas waxa uu sheegay in dadka Soomaalida ah ee lasoo daayey ay ahaayeen dad badankooda la xirxiray bartamihii Bishan September ka dib markii raaf ama qaqabasho guud oo dadka ajaaniibta ah ay ka dhacday magalaada Lubumbashi.

Danjiruhu waxa uu sheegay in dad badan oo ajaanib ah la xirxiray, laakin dadka ugu badan ay ahaayeen Soomaali, kuwaas oo kor u dhaafayey 80.

30 ka maid ah horrey ayaa loosoo daayey halka ilaa 50 kale uu sharcigu ka dhacsanaa ama qaarkood siyaabo kale loo haystay.

Soomaali badan ayaa ganacsi ka sameeyso DR Congo, magaalada Lubumbashi waa halka ay ugu badanyihiin sida uu sheegay Danjire Ilyaas.

Dadka soomaalida ah ee halkaas ka ganasacdo ayaa waxa ay u badanyihiin kuwa ka shaqeeysta gawaarida xamuulka ah ee badeecadaha kala duwan qaada.

Danijraha ayaa sheegay in dadkaasi lasoo daayey dalka lagusii daayey marka laga reebo laba qof, iyagoo u badnaa kuwa si sharci ah kusoo galay ama hay’adaha qaxootiga ka diiwaangashanaa laakin laga yaaabo in sharcigu uu ka dhacsanaa.

Soomaaliya ayaan wei safaarad ama qunsilyad ku lahayn dalka Congo waxase howsha matalaaada ee dalkaas sii hayo Danjire Ilyaas Cali Xasan oo ah safiirka Soomaaliay ee Tanzania iyo DR Congo .

XIGASHO BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here