spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS ICPAC “Roobab Xooggan ayaa ku wajahan South Sudan, Uganda, Burundi, Rwanda, Somalia...

ICPAC “Roobab Xooggan ayaa ku wajahan South Sudan, Uganda, Burundi, Rwanda, Somalia & Kenya”?

0
40

Arbaco 1 Oct 2025 {HMC} Waaxda Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan la socodka Cimillada ee loosoo gaabiyo ICPAC ayaa soo bandhigtay saadaalinta roobab mahiigaan ah oo ka da’aya Dalal badan oo dhaca Qaaradda Afrika sida Dalalka Koofurta Suudaan, Uganda, Burundi, Rwanda Soomaaliya & Kenya.

Saadaasha ayaa lagu kala saaray labo qayb oo kala ah dhulka uu sida xooggan roobka ugu da’ayo iyo meelaha kale uu ku yaryahay balse roobku gaari karo muddo ku siman 30ka September ilaa 7da October 2025 oo muddo todobaad ah.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in roobabka xooggan ay Soomaaliya ka saamayn doonnaan Waqooyiga halka Koofurta iyo Bartamaha Dalka uu si heer hoose ah uu noqon doonno waa haddii ay dhacdo sida saadaasha lagu helayo.

Itoobiya ayaa ku jirta Dalalka uu roobka ku yaraanayo todobaadkaan, waxa ay Bulshada Dalkaas ku sii jiri karaan kulka cadceedda waa dhulka miyiga ah marka la eego ee saamaynta ugu badan ee abaarta ama roobku ku yeeshaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here