spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Wasiirka Gaashaandhigga Sweden oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho?

Wasiirka Gaashaandhigga Sweden oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho?

0
27

Talado 7, Oct 2025 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Boqortooyada Sweden Pål Jonson iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxaa soo dhaweeyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Difaaca Soomaaliya Cumar Cali Cabdi, Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Janaraal Maaday Nuurey Sheekh Ufuroow & Mas’uuliyiin kale.

Pål Jonson ayaa la kulmaya Madaxda Sare Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi iyo mas’uuliyiin kale isaga oo kala hadlaya iskaashiga dalkiisa iyo Soomaaliya ka dhaxeeya sida wararku sheegayaan.

Jonson ayaa salka u adkaynaya heshiiska la xiriirka Difaaca iyo Amniga ee ka dhaxeeya Soomaaliya & Boqortooyada Sweden, waxaa lagu wadaa in heshiisyo cusub ay qallinka kuwada duugaan isaga iyo dhiggiisa Axmed Fiqi.

Sweden waa dal ku yaalla Scandinavia oo leh kumannaan jasiiradood iyo harooyin badan, waxa uu dhacaa Waqooyiga Qaaradda Yurub, xubin buuxda ayuu ka noqday Gaashaanbuurta NATO 7dii March 2024 kaddib markii uu aqbalay Turkiga oo muddo diidanaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here