spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS NISA oo sheegtay inay dileen horjoogeyaal iyo miliishiyo AS ah.

NISA oo sheegtay inay dileen horjoogeyaal iyo miliishiyo AS ah.

0
53

Talado 7, Oct 2025 {HMC} Hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda Soomaaliya (NISA) ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay ka takahluseen 7 dagaallame oo Al Shabaab ka tirsan kuwaasoo isugu jiray “horjoogeyaal iyo maleeshiyaad”.

Hay’ada ayaa war-saxaafadeedka ku sheegtay in hawlgalka uu xalay ka dhacay deegaanka Basra ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasoo lagu weeraray ka dib markii xogtooda la helay.

NISA waxay intaa ku dartay in deegaanka oo u dhaxeeya Muqdisho iyo Balcad lagu diyaarinayey ilaa 40 dagaallame oo ay hay’addu sheegtay in teendhadii ay ku jireen la bar-tilmaameedsaday.

Hay’addu waxay intaa ku dartay in “saaxiibada caalamiga ah” ay hawlgalka ka qayb qaateen. Saaxiibada calamiga ah ayaa ah kalmad loogu yeero dalalka Soomaaliya gacanta ka siiya dagaalka ay kula jirto Al Shabaab iyo Daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here