Talado 7, Oct 2025 {HMC} Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay heshiiska ay xukuumaddu la gashay Dawladda Puntland uu leeyahay istaraatajiyad amni oo fog iyo miisaan diblomaasiyaddeed.
“Heshiiska ay Somaliland la gashay Puntland, waxa uu leeyahay istaraatijiyado amni oo fog, iyo miisaan diblomaasiyadeed oo xoojinaya doodda aqoonsiga iyo garawshiiyaha qarannimada aynu dunida uga rabno,” ayuu yiri Wasiir Khadar.
Wasiirka madaxtooyaddu wuxuu sheegay in heshiiskani ka xeeldheer yahay inuu fahmo ruux aan wax badan ka aqoon istaraatijiyadaha dawladnimo, waxaana u yiri “Way ka xeeldheertay wax uu fahmi karo ruux aan wax badan ka aqoon istaraatiyadaha dawladnimo, siyaasaddana u yaqaanna naxli uu ka dhex abuuro dadkiisa iyo magaaladii uu Maayar ka u ahaa ee Burco iyo inuu hagardaamada gobolkiisa cid kale ku raalligeliyo.”






