spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Hindiya oo dib u soo celisay xiriirkeedii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd...

Hindiya oo dib u soo celisay xiriirkeedii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Afgaanistaan.

0
17

Jimco  10, Oct 2025 {HMC} Hindiya ayaa dib u soo celisay xiriirkeedii diblomaasiyadeed ee buuxa ee ay la lahayd Afgaanistaan, iyadoo sare u qaaday heerka safaaraddeeda ku taalla Kabul.

Waxaa sidoo kale la go’aamiyay in la ballaariyo bixinta fiisooyinka iyo in dib loo bilaabo duulimaadyada tooska ah, si loo xoojiyo ganacsiga iyo iskaashiga labada dal, kaddib wadahadallo ay Delhi ku yeesheen wasiirka arrimaha dibadda Hindiya, Subrahmanyam Jaishankar iyo dhiggiisa Afgaanistaan, Amir Khan Muttaqi.

Wadahadallada waxaa dhinac socday agab caafimaad oo ay Hindiya ku wareejisay Afgaanistaan, iyadoo xiriirkan uu ka caraysiinayo Pakistan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here