spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Maydad horleh oo laga helay dhismaha hoostiisa ee Gaza

Maydad horleh oo laga helay dhismaha hoostiisa ee Gaza

0
60

Sabti, Oct 11, 2025 {HMC} Howlgallo lagu raadinayo dad muddo lagu la’aa Nolol ama Geeri ayaa ka billowday Magaalada Gaza gaar ahaan goobaha markii hore ay adkayd in la tago sababo la xiriira ciidanka Israa’iil oo tooganayay Dadka u dhowaada Goobahaas

 

Difaaca Madaniga ah ee Gaza ayaa sheegay in ay heleen in ka badan Maydadka 50 ruux oo jirkooda ka muuqato toogasho loo gaystay, qaarkood waxa ay ku dhinteen guryaha burburay ee duqaynta arxan-darrada ah ee halkaas ka gaysteen ciidanka ku duullay

 

Maydadka lasoo helay waxaa la geeyay goobo gaar ah oo lagu xaqiijinayo Dadkaas ehelkooda si loo geliyo diiwaanka Dadka ku dhintay dagaalkii socday labada sanno ee Xamaas iyo Israa’iil ku dhexmaray Magaalada Gaza ee Dhulka Falastiin

 

Wakaaladda Wararka AFP oo soo xiganaysa Agaasimaha isbitaalka Al-Shifa, Dr Maxamed Abuu Salmiya ayaa sheegay in isbitaalkooda keliya la geeyay 33 Mayd oo jirkooda gubtay, waxa uu intaas ku daray in dadkaan la dilay saacadihii ugu dambeeyay dagaalka

 

Heshiiska dhexmaray Xamaas iyo Israa’iil ayaa dhigaya in xabbadu joogsato, Maxaabiista labada dhinac is dhaafsadaan, Dadka dib ugu laabto guryahooda, ciidan hubiya xabbad-joojinta la geeyo magaalada Gaza iyo Gargaarka la fasaxo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here